Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay halista uu heshiiska is-fagaradka Itoobiya iyo maamulka Somaliland ku keeni karo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya.
Hadalka ayaa waxaa shirkii IGAD ee shalay ka dhacay Kampala ka sheegay ergeyga gaarka ah ee Mareykaka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer, halkaasi oo Mareykanka uu si buuxda garab is-taag ugu muujiyey dowladda federaalka ee Soomaaliya.
“Maraykanka waxa uu aqoonsan yahay madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland. Waxaan aaminsannahay in maqaamka Somaliland ay tahay arrin u taalla Soomaalida oo ay ku jiraan reer Somaliland,” ayuu yiri Mike Hammer.
Taa beddelkeed, Somalilad — oo si iskeed ah madax-banaani ugu dhowaaqday 1991-kii — ayaa sheegtay in Itoobiya ay siin doonto aqoonsi rasmi ah. Tani ma aysan xaqiijin Addis-Ababa.
“Ma jirto dhex-dhexaadin haddii aysan Itoobiya ka laaban is-afgaradkii sharci-darrada ahaa oo aysan dib u xaqiijin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo la soo dhigay baraha bulshada.