Mareykanka Oo Ka Jawaabay. In Russia Ay Iran Siinayso Xog Sirdoon.

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Pete Hegseth ayaa ka hadlay warar sheegaya in Russia ay Iran siineyso xog sirdoon oo ku saabsan goobaha ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegay in Russia ay Iran la wadaagto macluumaad ku saabsan dhaqdhaqaaqyada ciidamada Mareykanka ee gobolka.

Hegseth ayaa sheegay in maamulka Mareykanka uu si dhow ula socdo xaaladda. Wuxuu sheegay in madaxweyne Donald Trump uu si buuxda uga warqabo cid kasta oo ku lug leh wada hadallada ama dhaqdhaqaaqyada noocaas ah.

Hegseth ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku uu kormeerayo dhammaan dhaqdhaqaaqyada la xiriira arrintan. Wuxuu xusay in haddii ay jiraan tallaabooyin aan habboonayn, ha ahaadeen kuwo si fagaare ah loo sameeyo ama si qarsoodi ah loo sameeyo, Mareykanku uu si adag uga hortagi doono.

Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadda militari ee u dhexeysa Mareykanka, Iran iyo Israel ay sii kordheyso, iyadoo warar kala duwan ay soo baxayaan oo ku saabsan doorarka ay dalal kale ku leeyihiin xaaladda gobolka.