Mareykanka Oo Ku Goodiyay in Uu Burburin doono Dhaqaalaha Turkiga

Madaxweynaha mareykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga waa haddii Turkiga uu weerar ku qaado xoggaga Kurdiyiinta ee ka dagaallama dalka Suuriya kaddib markii Mareykanka uu bilaabay qorshe uu ciidamadiisa kaga soo saarayoo dalka Suuriya.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray wuxuu Trump sheegay uusan dooneynin in kooxda Kurdiyiinta ee xukuumadda Ankara ay u aqoonsan tahay argagixisada aanan la daandaasan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si caro leh uga jawaabay tageerada Mareykanka ee kooxda Kurdiyiinta, wuxuuna ballan qaaday inuu cagta marin doono maleeshiyaadka Kurdiyiinta.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa booqasho ku maraya dalalka bariga dhexe, hadda waxaa uu jooga caasimadda Sucuudiga ee Riyaadh si uu u xoojiyo xulufada Mareykanka ee gobolka.