Mareykanka Oo Laga Cabsi qabo in Inuu Tallaabo Milliteri Ka Qaado Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi u siiyey Wargeyska TIME wuxuuna xusay in laga yaabo in la qaado Tallaabo Milliteri, si looga hortago inay Iiraan hesho Hubka Nukliyeerka.

Mar wax laga weydiiyey haddii u qaadayo Dagaal lagu badbaadinayo Maraakiibta Caalamiga ee shidaalka ee isticmaala Gacanka Hormuz waxa uu sheegay inuu calaamad su’aal saarayo arrinkaasi oo uusan haatan ka jawaabi doonin.

Madaxweynaha Maraykanka waxa uu dhacdo fudud ku tilmaamay weerarkii dhawaan lagu qaaday Maraakiibta maraysay meel ku dhow Gacanka Pershiya ee Iiraan , inkastoo ay Saraakiisha Aqalka Cad shaaciyeen in 1,000 Askari oo dheeraad ah u diri doonaan Bariga Dhexe, sababo la xiriira xiisadda Iiraan oo sii korodhaysa

Dhinaca kale, Dowladaha Raashiya iyo Shiinaha waxay ka digeen khatarta ka dhalan karta qorshaha Maraykanka ee ugu ciiddamadda faraha badan ugu dirayo Mandiqadda Bariga dhexe, waxayna sheegeen inay ka soo jeedaan weerar uu Maraykanka ku qaado dalka Iiraan.k