Mareykanka Oo Rejo wanagsan kamuujiyay Amniga Somaaliya

Inkastoo todobaad ka hor intuunan soo caga dhigan Magaalada Muqdisho Safiirka cusub ee Mareykanka Soomaaliya usoo magacaabeen Donald Yamamoto ay saddex qarax oo is xig xiga lala beegsaday Hotel ku yaallo Bartamaha Muqdisho ayaa hadane saas ay tahay waxaa uu rajo fiican ka qabaa in xaalku is bedeli karo oo nabad iyo xasilooni Soomaaliya ka dhalan karto mustaqbalka dhaw.

Yamamoto mar wax laga weydiiyey rajada shaqsiyadiisa iyo dowladda uu matalo ee Mareykanka ay amniga Soomaaliya ka qabaan ayuu sheegay in xaalada amni ee Soomaaliya ay tahay mid cakiran oo daqiiqad weliba boqolaal naf ay sahlantahay in ay ku go’do balse waxaan qabnaa rajo fiicaan waana hubnaa in mar dhaw Soomaaliya xasilooni waarta heli doonto waana sababta aynu safaarad ugu furan doono Soomaaliya.

“Sida uu qorshaha Mareykanku yahay waxaan wadnaa dadaallo aan ku dooneyno in aan Magaalada Muqdisho kaga furano safaarad iyo Qunsuliyad isla hal dhismo ah balse mustaqbalka la kala qaadi doono, waxaana markaasi ka maarmi doonaa fadhiga ku meel gaarka ahaa ee Kenya aynu ku leheyn waana arrin sii xoojineysa xiriirka labbada dal” ayuu sheegay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya  Donald Yamamoto.

Hadii Mareykanku sida ay sheegeen Soomaaliya Safaarad ka furtaan waxa ay dhiira gelin u noqon doontaa wadamo badan oo reer galbeed ah oo daneeya Soomaaliya balse xaalado amni awgood ay ku adagtahay in ay safaarado ka furtaan Soomaaliya.