Mareykanka Oo Safiir Cusub U Soo Magacaabay Somalia

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump waxa uu u soo magacaabay Ambassador Donald Yukio Yamamoto inuu noqdo Safiirka Cusub ee u joogi doona Somalia.

Ambassador Donald Yukio Yamamoto oo 65-jir waxa uu Hawlaha Diplomaasiyadda ku soo biiray sannadkii 1980-kii waxa uu haatan Madax ka yahay Waaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Qaaradda Afrika.

Ambassador Donald Yukio Yamamoto oo noqonaya Danjirihii 14-aad ee Maraykanka u jooga Somalia Waxa uu horey u soo ahaa Danjirihii Maraykanka u joogay dalka Jabuuti sannadihii 2000 ilaa 2003-dii.

Waxa kale oo uu Danjire ka soo noqday dalka Ethiopia muddadii u dhexeysay 2006-dii ilaa 2007-dii.

Ambassador Donald Yukio Yamamoto waxa kale oo uu Danjire Ku-meel-gaar ah ka soo noqday dalka Eritrea sannadihii 1997-dii ilaa 1998-dii.

Ambassador-ka waxa uu Sanadkii 2016-kii ahaa howl fuliyaha Xafiiska ergada Dublumaasiyiinta Mareykanka u jooga Soomaaliya.

Magacaabistiisa ayaa timid, iyadoo uu Danjirihii hore ee Maraykanka u joogay Somalia, Stephen Schwartz iska casilay Xilkaasi bishii September 29-dii ee sannadkii hore sababo isaga u khaas ahayd.

Ambassador Stephen Michael Schwartz waxa uu xilkaasi hayey tan iyo bishii June ee sannadkii 2016-kii, wuxuuna ahaa Danjirihii ugu horreeyey ee Maraykanka u soo magacaabaan Somalia 25 sanno kadib, burburkii Dowladnimo ee Somalia.