Mareykanka oo War Kasoo Saaray Weerarkii Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqisho ayaa war kasoo saartay toogashadii xalay ka dhacday gudaha xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, taas oo lagu dilay saraakiil Soomaaliya iyo kuwa Imaaraad ah.

Qoraal kasoo baxay safaaradda, isla markaana lagu daabacay barteeda X ayaa lagu cambaareeyay weerarkan oo ay mas’uuliyaddiisu sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Mareykankanka ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada saraakiisha iyo askarta lagu laayay weerarkaasi oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid fuleynimo.

Ugu yaraan saddex sarkaal oo Imaaraad ahaa ayaa lagu dilay toogashadan iyo sarkaal afaraad oo u dhashay dalka Baxreyn, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Imaaraadka.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka, waxaana la rumeysan yahay in askariga uu ka tirsanaa kooxda ka hor inta aanu kusoo biirin tababarka oo muddo fog kahor loo soo diray weerarka.