Markab dagaal oo maanta soo gaaray Puntland

Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Ururka Midawga Yurub, gaar ahaan howlgallada EU-NAVFOR ATALANTA ayaa soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, isagoo oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaq cusub.

Markabkan oo lagu macagaabo ESPS NUMANCIA ayaa kamid ah maraabkiibta dagaal ee ilaalada u jooga xeebaha Soomaaliya, si ay uga hortegaan weerarada burcad-badeeda, oo dib usoo rogaal celiyay.

Saraakiisha la socotay markabkan ayaa markii uu soo gaaray xeebaha Puntland, waxaa la kulmeen agaasime ku-xigeenka guud ee ciidamada PMPF Mudane Maxamuud Silaal Cumar oo ay weheliyaan saraakiisha sar sare ee ciidamada PMPF, waxayna ka wada-hadleen arrimo ku aadan howlgallada ka soconaya halkaas iyo iskaashiga labada dhinac.

Labada dhinac sidoo kale waxa ay si dhow isula qiimeeyeen arrimo ku aadan wadaagista xogaha falalka burcadbadeedda iyo guulaha laga gaaray howlgallada wadajirka ah ee lagaga hortegey, kuwaasi oo horseeday in si dhow loola socdo xogtooda, lana fashiliyo weeraro ay qaadi lahaayeen kooxaha burcadbadeedka Soomaalida.

Waxaa kale oo ay ciidamada PMPF iyo howlgalka EUNAVFOR Operation ATALANTA ku ballameen in si ka dhaw sidii hore loo horumariyo howlgallada iyo iskaashiga xogaha amniga badaha, si looga hortago falalka amni darro ee ka dhicikara badda.