Markab Gacanta Kudhigay Burcad Badeed Somaali ah

Markab ka hortaga falalaka Burcad badeeda gaar ahaan kuwooda Soomaalida oo Hindiya laga leeyahay loona yaqaano INS Sunnya ayaa waxa uu gacanta ku dhigay burcad badeed aad u hubeysan oo doonayay in ay af-duub ka geystaan gacanka cadan.

Markabkaani ayaa waxa uu gacanta ku dhigay dhamaan raggii burcada ahaa, hubkooda iyo doonyaha ay wateyn, waxa ayna sheegeyn in iska hor imaad kooban dabadeed ay u suurta gashay in ay ka hortagaan ragaasi Soomaalida ah.

Wax faahfaahin dheeri ah lagama bixin halka la geyn doono ragaan burcada ah ee lasoo qabtay iyo waxa ay ka yeeli doonaan waxa ayse u badantahay in xabsiyo ku yaalla dalkaasi Hindiya lagu xiro, oo ay xili xabsiyeedka ay muteysaan kusoo dhameysan doonaan.

Sidaan oo kale Markabkaan INS Sunnya ayaa waxa uu bishii ina dhaaftay uu ka hortagay falal ay ku tilmaameyn in ay ahaayeen burcad badeednimo.

In dhawaallo ah waxaa yaraa mararka qaarna aynan jirinba wax falal burcad badeednimo ah oo Soomaaliya xeebaha ku dhaw dhaw laga geysto, waxa ayse hada u muuqataa in ay soo rogaal ceshoomayaan burcad badeeda Soomaalida.