Markab kusoo xirtay magaalada Baraawe

Markabkaan ayaa sidda qalab dhismo oo loogu tala galay in lagu dhiso Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawe.

Waxyaabaha uu waddo Markab kusoo xirtay Baraawe ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah Baabuur iyo Contenaro.

Guddoomiyaha Baraawe Xuseen Bare ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo kala duwan oo lagu horumarinaayo Magaalada Maadaama ay tahay Caasimadda Koonfur Galbeed.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in gaba gaba uu marayo dhismaha Garoonka dhowaana la bilaabi doono dhismaha Dekedda.

Dhowaan Dekeda Baraaawe waxaa ku soo xirtay Markab Sahnad Ciidan u siday Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.