Masar iyo Uganda oo kala saxiixday Heshiis Millateri

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Ciiddanka Difaaca Uganda (UPDF) ayaa lagu sheegay inay Masar iyo Uganda kala saxiixdeen Heshiis  Is-faham (A Memorandum of Understanding) ee dhanka Wadaagista Sirdoonka Milliteri  (Military intelligence sharing agreement).

Heshiiskaasi waxaa shalay  oo Arbaco ahayd lagu kala saxiixday Xarumaha Sirdoonka Milliteriga Uganda oo ku yaalla Deegaanka Mbuya.

Masar iyo Uganda waxay isku raaceen inay isla wadaagaan Sirdoonka Milliteriga, si loola dagaalamo waxa ay ugu yeereen Argagixisada, waa sida hadalka loo dhigay.

Sarreeye Gaas Samiix Saber El-degawi oo ah Sarkaal Sare  oo ka tirsan Sirdoonka Milliteriga Masar iyo Sarreeye Gaas Abel Kandiho oo ah Taliyaha Sirdoonka Milliteriga Uganda ayaana qalinka ku duugay Heshiiskaasi.

Sarreeye Gaas Samiix Saber El-degawi oo ka hadlay Munaasabadda lagu saxiixay Heshiiskaasi ayaa sheegay  xaqiiq ahaan Uganda iyo Masar inay wadaagaan Webiga Nile, isla markaana wixii dhibaateynaya Uganda ay saamayn karaan Masar.

Taliyaha Sirdoonka Milliteriga Uganda, Jeneral Abel Kandiho waxa uu isagana sheegay inuu Heshiisku muujinayo in labada Hay’adood ee labada dal ay wadaagi doonaan Kheyraadka Sirdoonka ee Asaasiga Caadiga ah, kaasi oo fure u noqon kara La-dagaalanka waxa uu ugu yeeray Argagixisadda iyo Dembiyada kale.

Jeneral Abel Kandiho waxa uu ugu mahad-celiyey Dowladda Masar taageeradooda Tababarka Ciiddanka Uganda.

Heshiiska ay Masar iyo Uganda shalay kala saxiixdeen waxa uu daba-joogaa Heshiis ay Talisyada Sirdoonka Milliteri labada dal ku yeesheen magaalladda Qaahira bishii December ee sanadkii hore ee 2020-ka.

Wafdiga Sirdoonka Milliteri ee Masaarida waxay bishan April 4-dii booqasho  4 maalmood ah ku tageen Caasimadda dalka Uganda ee Kampala.

Heshiiska Labada dhinac waxaa la saxiixay shalay, kadib, markii Wafdigaasi casuumaad qado ah loogu sameeyey Hotelka Serena Hotel Kigo.

Si kastaba ha ahaatee, Heshiiska Labada dal waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay sii kordhayso Xiisaddaha Masar iyo Ethiopia ee Muranka Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD ee laga dhisayo Webiga Nile.

Uganda oo uu ka soo bilowdo qulqulka Webiga Nile, waxay Taariikh ahaan horey si weyn u mucaaradi jireen Isku-dayada Dowladda Masar ku doonayso inay ku maamusho Mashruucyada Koronto-dhalinta ee dalalka  uu Webiga Nile dhex maro.