Masar oo Garab istaagtay Soomaaliya…

Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa maanta bayaan ay soo saartay waxay garab istaag weyn ugu muujisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Bayaanka oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in loo baahan yahay in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Masar waxay ka soo horjeedaa tallaabo kasta oo wax u dhimaysa qarannimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Masar.

Jamhuuriyadda Masar ayaa aad uga mahad-celisay bayaannada ay soo saareen dalalka gobolka iyo kuwa caalamkaba, kuwaasi oo dhinac uga soo horjeestay tallaabooyinka lidka ku ah xasilloonida Geeska Afrika, siina xoojinaya xiisadda u dhexeysa dalalka gobolka.

Masar ayaa sidoo kale adkaysay baahida loo qabo in la ixtiraamo shuruucda u degsan Midowga Afrika, oo ay ku jiraan difaaca madax-bannaanida dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah iyo mabaadi’da Midowga oo qeexaya in la ixtiraamo xuduudaha dalalka xubnaha ka ah.

Madaxweyne Xasan iyo Al-Siisi ayaa ku ballamay inay adkeeyaan iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar, iyadoo loo midoobayo caqabadaha gobolka.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hadda dadaal xooggan ugu jirta sidii ay taageero caalami ah ugu heli laheyd difaaca dhulkeeda, kadib markii ay shalay burisay heshiiskii Muuse Biixi uu Addis Ababa kula gaaray Abiy Ahmed.