(MASAWIRO): Ciidanka Cirka Somaliya oo u dabaal dagay Sanaguuradooda

Munaasabada Ciidamada Cirka Somaliya ayaa waxa ay ka socotaa Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qayb galayaan masuuliyiin kala duwan ooka tirsan dowladda Federalka Somaliya.

Ciidamada Cirka Somaliya ayaa u dabaaldagaya 58-sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay ciidamadaasi oo soo maray marxalado kala duwan.

Taliyaha Ciidamada Cirka Somaliya, ayaa madasha munaasabada ka sheegay in ciidamada aysan haysan qalabkii kala duwanaa ee ay lahaayeen ciidamada Cirka Somaliya, haddana ahmiyad badan aanan la siinin dhismahoda.

Taliyaha ciidanka Cirka Soomaaliyeed Sareeye guuto Maxamuud sheekh Cali (Dable Beylood) ayaa yiri.

” Wasiir kasta ee soo mara Wasaaradda Gaadiidka DFS waa uu ku tagri falaa hantida ciidanka cirka soomaaiyeed”.

Wuxuu ku eedeeyay Wasaaradda Gaadiidka Somaliya inay qaadatay qalab ay leeyihiin ciidamada Cirka Somaliya.

Munaasabada oo ka socota Xarunta Taliska Ciidanka Cirka Somaliya, ayaa waxaa ka qaybgalaya Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Somaliya iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda.

Hoos ka eeg Masawiradda.