Mas’uul hore oo ka tirsanaa Maamulka K/Galbeed oo lagu dilay Muqdisho

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay mas’uul hore uga tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed loogu gaystay degmada Shibis, kaas oo ay toogasho ku dileen rag hubeysan oo haddana goobta isaga baxsaday.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Cumar Gaab, wuxuuna ahaa xildhibaan hore oo ka tirsanaa Koonfur Galbeed, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ragga dilka gaystay oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa la sheegay inay weerar gaadmo ah kiu dileen marxuumka, kadibna ay carareen, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyaddda dilka loo gaystay mas’uulkan, sida ay ku baahisay baraheeda bulshada.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan dhacdadaasi iyo sheegashada Al-Shabaab.