Mas’uul Ka Tirsan Maamulka Degmada Balcad Oo Xilkii Laga Qaaday

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa xilkii looga qaaday guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha bulshada ee degmada Balcad Gobolka Shabeellaha dhexe.

Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in xilka guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee degmada Balcad loo Magacaabay Axmed Sheekh Xuseen oo ka mid ah Dhalinyarada ku nool degmadaas,isla markaana dhawaan Isbitaal Cusub degmadaas ka hirgeliyey.

Xilka guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee degmada Balcad ayaa waxaa horey u haayey Axmed Duqoow kaas oo aan weli la sheegin sababta xilka looga qaaday.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Maamulka Hir-Shabelle waxa uu waday xilka qaadis iyo Magacaabis taas oo ay dhaliil ka keeneen Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Maamulkaas.