Masuul ka tirsanaa Maamulka Puntland oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, Rag hubeysan ayaa Magaalada waxa ay ku dileen Masuul ka tirsanaa Maamulka Puntland.

Dableyda dilka geysatay ayaa dhawr xabadood kaga dhufatay masuulka qeybta sare ee jirkiisa, waxayna uga tageen dhimasho, balse dhaawac ahaan ayaan halkaasi looga qaaday, inkastoo markii dambe uu ku geeryooday Isbitaalka Guud ee xarunta Gobolka Mudug.

Saraakiisha Hay’adaha ammaanka ayaa masuulka la dilay waxa ay magaciisa inoogu sheegeen Axmed Deeq Cali (Hayaan) oo ahaa xisaabiyihii Guud ee Dowladda Hoose Magaalada Gaalkacyo qeybta Maamulka Puntland.

Ciidanka ammaanka oo ka jawaabayay dilkan ayaa sameeyay baaritaano amni xaqiijin ah, waxayna dilkan u soo qabteen tiro dhalinyaro ah oo hada ay gacanta ku hayaan Hay’adaha ammaanka si baaritaano loogu sameeyo.

Dilalka nuucaan ah inta badan waxaa degaanada Puntland ka geysta xoogaga ururka Al-shabaab, iyaga oo beegsada Masuuliyiinta Maamulka, Askarta iyo cida kale ee ay doonayaan.