Masuul Katirsan Shirkadda DP World Oo Boosaaso lagu toogtay

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa goor dhow lagu toogtay Madaxii Shirkadda DP World ee qeybta Puntland, taasoo ku howlaneyd dhismaha dekedda Magalada Boosaaso.

Sidda ay warbaahinta  u xaqiijiyeen Saraakiisha Ammaanka ninka la toogtay ayaa Mas’uul ka ahaa Shirkladda PD World iyo P&O, waxaana lagu Magacaabi jiray Paul Anthony Fermosa.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in toogashadiisa uu geystay mid ka mid ah Ilaaladiisa.

Wixii Soo Kordha Kala Soco Radiogalgaduud.com