Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Xassan ayaa shaqo joojin ku sameeyey agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdiwahaab Cali Mursal.
Qoraal kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maamulka Koonfur Galbeed lana ogeeysiiyey Madaxweynaha KG,Wasiir kuxigeenka Wasaaradda ayaa waxaa xilkii looga qaadey Agaasimihii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Sababaha xilka qaadista Agaasimaha ayaa waxaa lagu sheegay xil gudasho la’aan iyo in uu dayacay howlo Shaqo oo Siminaar ahaa ,kaas oo loogu diray dalka dibadiisa.
Hoos Ka Akhriso Warqadda xilka qaadista Agaasimihii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.