Masuuliyiin Ka Socota Dowlada Oo lakulmay Ciidamadii Soo baneeyay G/Shabeelaha dhexe

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ay ka mid yihiin Xildhibaan, Wasiiro iyo Taliyeyaal Ciidan ayaa la kulmay Ciidankii kasoo baxay degaano ka mid ah Shabeellaha Dhexe.

Kulankaan ayaa ka dhacay xero Ciidan oo ku taalla degmada Balcad, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidanka soo Gadooday.

Ciidankaan ayaa maanta kasoo baxay degaano ka mid ah Shabeellaha Dhexe, waxaana dowladda Soomaaliya ay si deg deg ah u dirtay Wafdiggaan si loo dhameeyo Xaaladda.

Ciidanka maanta soo gaaray Balcad ayaa wata gaadiidka dagaalka, waxaana la sheegay in ay yihiin Ciidan xooggan.