Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Safaaradda Turkiga oo dhagax-dhigay mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo Warsheekh

Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, Duqa Muqdisho iyo masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa maanta safar ku tegay degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ka dhagax-dhigeen mashaariic horumarineed oo muhiim u ah bulshada degmada.

Mashaariicda la dhagax-dhigay waxaa ka mid ah dhismaha Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee degmada Warsheekh iyo Isbitaalka Guud ee degmada, kuwaas oo la filayo inay wax weyn ka tari doonaan horumarinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka ee bulshada ku dhaqan Warsheekh iyo deegaanada ku xeeran.

Dhismaha dugsigan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu ballaarinayo fursadaha waxbarasho, si carruurta iyo dhallinyarada degmada ay u helaan goob waxbarasho oo tayo leh, halka Isbitaalka Guud uu wax ka tari doono baahiyaha caafimaad ee bulshada, isla markaana uu yareyn doono safarrada ay dadka deegaanka ugu baxaan magaalooyinka kale si ay u helaan adeegyo caafimaad.

Dowladda Turkiga ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageeraysa hirgelinta mashaariicdan, taas oo qayb ka ah iskaashiga labada dal iyo taageerada Turkiga ee dhinacyada horumarinta adeegyada bulshada iyo dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

Mashaariicdan ayaa ah kuwo muhiim u ah degmada taariikhiga ah ee Warsheekh, waxaana la filayaa in marka la dhammaystiro ay wax ka beddelaan helitaanka adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka.