Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga oo booqday degaanka Goobweyn

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ay wehelinayaan Wafdi uu hogaaminayo Safiirka Dowlada Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar oo uu kamid yahay madaxa Dowladaha hoose ee Turkiga Hayrettin Gungor iyo Ganacsato iyo masuuliyiin kasocda Hay’adaha hormarinta wadankaas ayaa maanta booqday degaanka Goobweyn ee Gobolka Jubada hoose halkaas oo qani ku ah khayraadka kala duwan.

Masuuliyiinta kasocda Dowlada Turkiga ayaa halkaas ka sameeyay indho indhayn la xiriirta sidii degaankan loo maalgalin lahaa isla markana looga faa’iidaysan lahaa dhulka hodanka ah ee Jubbaland.

Dowlada Turkiga oo kaalmo baaxd leh ka samaysay wadanka Soomaaliya mudada kooban ee ay joogaan ayaa maalgalin ku samayn doonta ilaha dhaqaalaha Jubbaland si looga faa’iidaysto.