Masuuliyiin Ka Tirsan Maamulka Hir-Shabelle Oo Ku Wajahan Deegaano Katirsan Sh/Dhexe

Wararka ka imaanaya Duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay ku waramayan in halkaasi maanta ay ku wajahan yihiin Saraakiil Ciidan iyo xubno mas’uuliyiin ah oo ka socota Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Mas’uuliyiinta ka socda Gobolka Shabeelaha dhexe ee tagaya duleedka balcad ayaa waxaa la sheegay in sababta halkaasi u tagayaan ay tahay sidii u dhex-dhexaadi lahaayen xiisad ka dhalatay ciidamo la sheegay in ay yihiin militari oo la wareegeen bar-kontorool lacag ay ku qaaadaan Ciidamo ka amar qaata maamulka Hirshabeelle ee ku sugan Deegaanka ee Ceel-Cadde.

Dadka Deegaanka Ceel-cadde ayaa soo shgeegaya in maanta deegaanka ay soo gaari doonaan Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo kan Gobolka oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe .

Deegaanka Ceel-cadde ayaa waxaa la shalay ilaa iyo maanta ka taagan xiisad dagaal oo u dhexeysa Ciidamo kawada tirsan militariga Soomaaliya oo isku haysta qaadista lacagaha laga qado gaadiidka mara Koontoroolkaas.