Mas’uuliyiin ka tirsan XFS oo kulan la yeeshay beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay qaar kamid ah beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee wax-soo-saarka beeraha iyo caqabadaha ay la kulmaan beeraleyda gobolka, oo kamid ah meelaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya looga soo saaro dalagyada kala duwan ee dalka laga isticmaalo.

Mas’uuliyiinta ayaa dhageystay aragtida, baahiyaha iyo talooyinka ay soo jeediyeen beeraleyda, kuwaas oo ka hadlay xaaladda dhul-beereedka, helitaanka biyo ku filan, qalabka beeraha, suuqyada iyo arrimo kale oo saameeya wax-soo-saarka beeraha.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wax-soo-saarka gudaha, si loo yareeyo ku-tiirsanaanta badeecooyinka dibadda laga keeno, loona abuuro beeraleyda Soomaaliyeed fursado wanaagsan oo ay ku horumariyaan shaqadooda.

Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay sidii loo horumarin lahaa kaabeyaasha waraabka iyo adeegyada muhiimka u ah beeraleyda, gaar ahaan deegaannada ku teedsan webiga Shabeelle, kuwaas oo leh dhul ballaaran oo ku habboon wax-soo-saarka beeraha.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa dhankooda ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la helo deegaan ammaan ah oo u saamaxaya beeraleyda inay si xor ah uga shaqeystaan dhulkooda, iyadoo amniga iyo wax-soo-saarka beeruhu ay si weyn isugu xiran yihiin.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa muddo dheer loo aqoonsanaa mid kamid ah gobollada ugu wax-soo-saarka badan Soomaaliya, waxaana ku yaalla dhul-beereedyo ballaaran oo laga beero dalagyo kala duwan sida galleyda, sisinta, digirta, khudaarta iyo miraha kale.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bulshada beeraleyda ah, iyadoo la doonayo in la helo qorshayaal wax-ku-ool ah oo kor loogu qaadayo wax-soo-saarka gudaha iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale muujiyey muhiimadda ay leedahay in beeraleyda loo fududeeyo helitaanka adeegyada ay u baahan yihiin, si ay ugaalin weyn uga qaataan sugidda cunno ku filnaanshaha dalka iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.