Masuuliyiin Katirsan Dowlada Oo kormeeray Garoonka Stadium Muqdisho

Siihayaha Duqa Muqdisho Ahna Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Ibraahim Cumar Mahad- Alle (Ibraahim Dheere) iyo Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigilinta Maamulka G/Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakett) ayaa maanta kormeeray Garoonka Stadium Muqdisho.

Garoonka ayaa waxaa ka socday dayactir aad u balaaran Oo lagu soo celinayo Bilicdii uu lahaa Bariisamaadkii,isla markaana dib looga bilaabo tartamadii Kubadda Cagta ee lagu qaban jiray wixii ka horeeyay burburkii dalka.

Gudoomiye Ibraahim Oo ka hadlay ayaa sheegay in maamulka G/Banaadir ay ka go’an tahay in uu wax ka qabto ka Shaqeeynta meelaha muhiimka u ah Bulshada,isla markaana ay ka qeyb qaadan doonaan dhismaha Garoonka.

Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho ayaa mudo dhowr sano ah waxaa ay Xero Ciidan u aheyd Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, iyada oo AMISOM ay ka guureen 28-kii Bishii Agoosto ee sanadkii 2018.