Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Ambassador Ilyaas oo Qaahira uga qaybgalay Shirka 40-aad ee Wasiirrada Cadaaladda Carabta ayaa kulan doceed la qaatay Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, mudane Axmed Aboul Gheit.
Ambassador Ilyaas ayaa Xoghayaha guud uga warbixiyay horumarka Soomaaliya ay ku tilaabsaneyso gaar ahaan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, si gaar ah in baarlamaanku uu meel mariyay shuruucdii lagama maarmaanka u aheyd qabashada doorashada dadweynaha iyo guddiga doorashooyinka.
Wasiir Ilyaas ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee jaamacadda Carabtu ay la garabtaagntahay Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada adag, waxuuna ka codsaday in ururka jaamacadda Carabtu sii wado taageerada, Soomaaliyana gacana laga siiyo dagaalka lagula jiro khawaarijta.
Wasiiru-dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaliya ay ka go’antahay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta Jaamacadda Carabta, ayna ka faa’ideysto khubarada iyo kaadiriinta Carabta si loo horumariyo nidaamka bahda cadaaladda Soomaaliya, sidoo kalana lagu guuleysto dhameystirka dastuurka qabyada ah si waafaqsan halbeegyada caalamiga ah.
Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Aboul Gheit ayaa bogaadiyay kobaca iyo horumarka ay Soomaaliya ku tilaabsaneyso, waxuuna adkeeyay iney ka go’antahay joogteynta dadaallada ay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ku gaarayaan hadafyadooda mustaqbalka.
Ambassador Ilyaas ayaa horay kulamo ula qaatay Wasiirka Cadaaladda Masar, Mudane Adnaan Fanjari iyo Wasiirka arrimaha baaralmaanka dowladda Masar, Mahmoud Fawzi.
All reactions:
57