Masuuliyiin Katirsan Galmudug oo Caasimada Dhuusamareeb Ka Sagootiyay Meydka AUN Muxudiin Diinow.

Rabi ha unaxariistee Muxudiin Cabdi Diinow oo shalay Ku Geeriyooday magaalada Dhuusamareeb Ayaa maanta Maydkiisa loo qaaday magaalada Muqdisho.

Muxudiin Rabi ha unaxariistee waxaa uu kamid ahaa Xidigihii Xulka Galmudug la qaaday Koobkii maamul Goboledyada iyo Gobolka Banaadir kana Ciyaarayay Dambeedka Midix.

Masuuliyiin Katirsan Maamulka Galmudug ugu Horeeyaan Maamulka Caasimada Dhusamareeb Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Gudoomiyaha Xariirka Kubada Cagta Galmudug iyo Xidigihii Xulka Galmudug ee uu Katirsanaa ayaa ka sagootiyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb.