Xubno isugu jiray Xildhibaano Qaran, Ururada bulshada rayidka ah, hay’adaha cilmi baarista, bahda waxbarashada iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer ku tegay xarunta General Kaahiye (iskool bolisiyo), halkaas oo ay ka socoto howsha sixitaanka imtixaanka fasalka 8aad ee Maamulka Gobolka Benaadir ee sannad dugsiyeedka 2022-2023.
Kormeerkan ayaa ahaa mid loogu kuur gelayo ogaanshaha hannaanka uu maro sixdda imtixaanka.
Kormeerku marka uu dhammaday mas’uuliyiinta ayaa ka warbixiyay kormeerka ay sameeyeen iyo waxa ay indhahoodu qabteen, iyaga oo bogaadiyay sida mas’uuliyadda leh ee uu xafiiska imtixaanaadka Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir isugu xilsaaray xaqiijinta, hufnaanta iyo sax ahaanshaha sixidda imtixaanka.
Agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir waxaa ka go’an qaadista imtixaan tayo sare leh, haystana kalsoonida bulshada Soomaalieed, gaar ahaan Gobolka Banaadir.




