Masuuliyiin kormeertay Goobaha Waxbarashada ee ku yaala Deegaanada Waqooyi ee D/Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Masuuliyiinta Dallada Kheyriga ah ee Baraarug oo ay ka mid yihiin Madaxa Waxbarashada Dallada Cumar-Saciid Cali-xaashi, Macalin C/fitaax Madaxa Xariirka Bulshada ee Dallada ,Maxada Xariirka Dibada ee Dallada Axmed Xisbullaahi, Farxaan Xasan Maxamuud Madaxa Kormeeraha Gobolka Galgaduud ee Wasarada Waxbashda Galmudug, Agaasimaha Waxbarashada Degmada Guriceel Xasan C/laahi iyo C/qaadir Macalin Cali Xaashi (Dalmar) oo ka socda Jaaliyada Deegaanadaan kasoo jeeda ee Ku nool Waqooyinga Ameerika, Waxa ay Maanta Kormeer shaqo oo loogu kuugalayey habsami u socodka Waxbarashada ka jirta ku gaareen Deegaanada dhaca Waqooyiga D/Guriceel.

Masuuliyiintaan ayaa kormeerkooda waxa ay ku tageen Deegaanada kala ah, Fooleey, Barax, Diiriye Xasan, Raamaalle, Mareere, Baag-xuudi iyo Deegaano kale oo dhammaan Xarumaha waxbarasho ee ku yaala ay gacanta ku hayso Dallada Kheyriga ah ee Baraarug.

Madaxa Waxbarashada Dallada Cumar-Saciid Cali-xaashi ayaa masuuliyiinta kormeerka ku wehlineysey uga warbixiyey Hanaanka Waxbarasho ee Iskuulada, tirada ardayda u diiwaangashan Dallada oo iskugu jira Wiilal iyo Gabdho, tirada Macalimiinta, Dhismayaasha Xarumaha Cusub oo ay ka gacan siiyeen Wasaarada Waxbarashada Galmudug iyo qaar ka mid ah Jaaliyado kasoo jeeda D/Guriceel, Madaxa Waxbarashada Dallada ayaa intaasi kusii daray in Xarumaha qaar laga hirgaliyey Quudinta ardayda sida Xiliyada Qadada maadaama ay ardaydu ka yimaadaan Deegaano kafog halka Iskuulku kuyaalo, in ay laabtaane ay ku adagtahay, ugu Dambeyn Cumar-saciid ayaa u sheegay Masuuliyiinta in ay jiraan, baahiyo kala duwan taasi oo u baahan in Dallada laga caawiyo.

Ugu dambeyntii Agaasimaha Waxbarashada Degmada Guriceel Xasan C/laahi iyo C/qaadir Macalin Cali Xaashi (Dalmar) oo ka socda Jaaliyada Deegaanadaan kasoo jeeda ee Ku nool Waqooyinga Ameerika ayaa si wada jir ah u bogaadiyey, shaqada adag oo ay Bulshada u hayaan, kuna dhiirigaliyey in aysan ka caajisin Dadaalkoodana ay sii laba-laabaan, si gaar ah C/qaadir (Dalmar) ayaa sheegay in markii uu laabto, in Jaaliyada uu kasocdo uga warbixn doono, shaqada wanaagsan ay Dalladu ka qabteen, dhanka hormarinta Waxbarashada reer Miyiga iyo baahiyaha mudan in laga caawiyo Dallada Baraarug, si ay Fursad usii helaan Jiilalka halkaan wax ku Baranayo ee ah Ubaxa Mustaqbalka Berito Dalka iyo Dadka ay anfici doonaan Insha allah.