Mas’uuliyiin kudhaawacmay Qarixii Degmada howlwadaag

Waxaa faah faahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan qarax khasaaro geystay oo Maanta lagu weeraray Xarunta Maamulka degmada Howl-Wadaag ee  Gobolkan Banaadir.

Qaraxaan oo ahaa Gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyey ayaa waxaa lagu dhuftay Albaabka Xarunta degmada Howl-Wadaag,waxana la soo sheegayaa in qaraxa ay ku waxyeeloobeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada iyo dad Rayid ah.