Masuuliyiin kulan ku qaatay Xalane

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Richard H. Riley.

Kulanka Wasiirka Amniga ee Soomaaliya iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Danjiraha Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Richard H. Riley ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga oo mudnaan gaar ah u leh dowladda.