Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa masuuliyiin isku dhaf ah u diray goobihii ay beeluhu ku dagaalameen ee galbeedka gobolka Mudug.
Wafdigaan oo ay kala hoggaaminayeen Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe iyo Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa waxaa qayb ka ah Wasiirrada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug iyo Wasiirka Waxbarashada Puntland.
Masuuliyiinta ayaa kormeer ku maray deegaanadii dirirtu ka dhacday, iyagoo markii dambe isugu yimid bartamaha goobta labada ciidan isku hor-fadhiyaan.
Beelaha Sacad Habargidir iyo Leylakase Daarood ayaa ku dagaalamaya halkaas, waxayna masuuliyiinta maanta gaartay deegaankaas wadahadal u fureen dhinacyadii dagaalamay.
Dagaalka labadaan beelood ayaa galaaftay nolosha dad badan, waxaana sidii colaadaas loo joojin lahaa hada u kacay dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland.