Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), iyo Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Muqdisho ayaa si wadajir ah uga qayb qaatay ololaha dhir beerista, kaas oo ka qabsoomay xarunta Safaaradda Jabuuti ee dalka Soomaaliya.
Ololahan dhir beerista ah ayaa qayb ka ah dadaallada qaran ee dib u cagaaraynta dalka, kuwaas oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya hormuud ka tahay, isla markaana lagu doonayo in dib loogu soo celiyo bilicda deegaanka iyo isu dheelitirka dabiiciga ah ee dalka. Waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa yaraynta xaalufinta dhirta, xakamaynta nabaad guurka, iyo kordhinta tirada dhirta si loo helo deegaan caafimaad qaba.
Mas’uuliyiinta ka qayb gashay munaasabadda ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay dhirtu u leedahay nolosha aadanaha iyo jiritaanka deegaanka. Waxay tilmaameen in dhirtu ay door muhiim ah ka qaadato sifeynta hawada, ilaalinta ciidda, iyo ka hortagga fatahaadaha, isla markaana ay muhiim u tahay la qabsiga isbeddelka cimilada ee sii kordhaya. Waxaa sidoo kale la xusay in dhir beeristu ay tahay mid ka mid ah xalalka ugu wax ku oolsan ee lagula tacaali karo saameynta taban ee isbeddelka cimilada.
Intii ay socotay munaasabadda, mas’uuliyiintu waxay bulshada Soomaaliyeed ku boorriyeen inay si firfircoon uga qayb qaataan ololaha dhir beerista, iyagoo ku dhiirrigeliyay in qof walba uu door ka qaato ilaalinta deegaanka. Waxay sheegeen in wada shaqeynta dowladda, hay’adaha kala duwan iyo bulshada rayidka ahi ay tahay furaha lagu gaari karo guul waarta oo dhinaca deegaanka ah.
Ololahan ayaa sidoo kale muujinaya sida ay dowladda uga go’an tahay xoojinta iskaashiga hay’adaha kala duwan iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo ilaaliyo deegaanka loona abuuro deegaan cimilo xasiloon oo waara. Waxaa la filayaa in dadaalladan ay sii socon doonaan, isla markaana lagu ballaarin doono gobollada kala duwan ee dalka, si loo gaaro yoolka ah Soomaaliya cagaaran oo leh deegaan caafimaad leh.