Mas’uuliyiin Sare oo Dowladda Federaalka Ka Socda oo Gaaray Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaalada Laascaanood, oo ah caasimadda Maamul Goboleedka Waqooyi Bari.

Markii ay wafdigaasi gaareen magaalada, waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul Goboleedka Waqooyi Bari, Abwaan Cabdirashiid, xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee maamulka, saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada amniga, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Wasiirka Amniga Gudaha iyo Taliyaha Booliiska ayaa ujeeddadiisu tahay dardargelinta qorshayaasha sugidda amniga, xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adaha amniga ee dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Waqooyi Bari, iyo la-tashiyo ku saabsan xaaladda amni ee ka jirta deegaannada maamulka.

Inta ay ku sugnaan doonaan Laascaanood, wafdiga ayaa la filayaa inay kulammo gaar ah la yeeshaan madaxda maamulka, saraakiisha amniga, iyo qeybaha bulshada, si looga wada hadlo horumarinta amniga, dib-u-habeynta ciidanka booliiska, iyo kor u qaadidda xasiloonida guud ee gobolka.

Mas’uuliyiinta maamulka Waqooyi Bari ayaa dhankooda soo dhaweeyey booqashada wafdiga, iyagoo ku tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka, isla markaana gacan ka geysan doonta adkeynta amniga iyo kala dambeynta.

Safarkan ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka mudnaan gaar ah siinayso sugidda amniga, dib-u-dhiska hay’adaha amniga, iyo ilaalinta nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka.