Masuuliyiin Uu Kamid yahay Madaxweynaha Koofur Galbeed Oo Kuwajahan Ceelberde

Madaxweynaha maamulka Koofur galbeed Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa saakay ku wajahan degmada  Ceelbarde oo ka tirsan Gobolka Bakool.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa lagu wadaa markii uu gaaro Degmada Ceelbarde inuu kulamo la qaato Maamulka Degmada,Odayaasha,Waxgaradka iyo Taliyeyaasha laamaha amniga.

Warar aan helnay ayaa sheegay in Ujeedka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Degmada Ceelbarde ay tahay sidii loo dardar geliyo dhisida Golayaasha deegaanka oo dadaallo lagu dhisayo ay ka socdaan degmada Ceelbarde.

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladaha Hoose ee maamulka Koofur galbeed iyo Wasaaradda arrimaha Gudaha dowlada Federaalka ayaa ku howlan dhisida Golayaasha deegaanka, iyadoo wafdi kasocday oo hordhac u ahaa Madaxweynaha uu shalay gaaray degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Degmada  Ceelbarde ee Gobolka Bakool ayaa waxaa Maanta ka socad diyaar garoow ku adan soo dhaweeynta Madaxweynaha Koonfur Galbeed,iyadoo amniga siweyn loo adkeeyay.