Mas’uuliyiin uu kamid yahay taliyaha ciidamada xooga oo kuwajahan magalada gaalkacyo

Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in Magalada gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug uu gaaro wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaliyeed Gen,Cabduweli Jaamac Gorod.

Sidoo kale Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating iyo Xubno kale.

Wafdiga taliyaha Xoogga iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxa ay booqan doonaan Xerada ay ku sugan yihiin Ciidamada isku dhafka ee loogu talo galay sugida amniga Gaalkacyo iyo Xarumo kale.

Sidoo kale waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Maamulka Magalada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland,qeybaha kala duwan ee Bulshada Magalada Gaalkacyo.

Qaban qaabada diyaar garowga soo dhaweynta Xubnaha Wafdiga ayaa haatan waxa ay ka socotaa Magalada Gaalkacyo,waxaana diyaar garowgaas wada mas’uuliyiinta labada maamul ee Puntland iyo Galmudug oo bilihii u dambeysay ahaa kuwo wada Shaqeeya.