Masuuliyiinta Maamulka Goboka Banaadir oo Maanta Booqday Dhismayaal xalay kusoo dumay Degmada Howlwadaag.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta booqday dhacdadii xalay ka dhacday Degmada Howl Wadaag ee la xariirta dhisma ka kooban dhowr Dabaq oo soo dumay kaas oo ay ku geeriyoodeen inta la xaqiijiyay Hooyo iyo caruurteeda.
Guddoomiye Madaale ayaa warbixin la xariirta dhacdadaan ka wareestay kooxda gurmadka deg dega ah, maamulka degmada Howl Wadaag, iyo saraakiisha Amniga, waxa uuna faray si deg deg ah baaritaan rasmi ah loogu sameeyo sababta ka dambeysa in dhismahaan uu soo dumo.