Masuuliyin Katirsan Hirshabeele oo Gaaray Beledweyne

Magalada Baladweyne oo ah  Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta gaaray Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka dib u heshiiska Hir-Shabelle Eng Cabdikarim Cali Nuur.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa sidoo kale qeybka Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Axmed Meyre Makaraan ( Faal) Guddoomiyaha Degmada Warshiikh, iyo xubno ka socdo Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga Waxaa Garoonka ku soo dhoweeyay Guddoomiye ku xigeenka siyaasada iyo Maaliyada Gobolka Hiiraan ahna ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdule.

Mas’uuliyiintaan ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magalada Baladweyne.