Mataanayaal Isku Dhegan Oo Da’da 21-Jir Ku Geeriyootay.

Mataanayaal Haween oo u dhashay dalka Tanazania ayaa la sheegay inay Sabtidii la soo dhaafay ku geriyoodeen Isbitaal ku yaalla dalkaasi.

Labada Mataano oo lagu kala magacaabi jirey Maria iyo Consolata Mwakikuti ayaa la sheegay inay dhibaato ka haysatay dhinaca Neefsashaddam sida ay sheegeen Dhakhaatiirta.

Waxaa la sheegay inay labadaasi haween ee isku dhegan ku jireen Isbitaalka ilaa bishii December ee sannadkii hore dhibaato lala xiriirinayo Xanuun dhinaca Wadnaha.

Mataanayaashaasi isku dhegan waxay wadaageen hal beer iyo sambabo, balse waxay kala lahaayeen Labo Wadno, Labo Madax iyo gacmo.

Dhinaca kale, Labada Haween waxay ka soo hor jeedeen Aragtida ah in Qaliin lagu kala waaxeeyo, waxayna Wareysi ay mar hore siiyeen BBC-da ku sheegeen inay rajeynayaan inay guursadaan hal nin maalintii ay ahaataba.