Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay dib uga soo baxeen magaalada Ceeldheer kadib markii la wariyay inay gadood uga soo baxeen halkaas.
Warar ku baahay baraha bulshada ayaa sheegayay in ciidamada oo ka cabanaya mushaar la’aan ay soo faarujiyeen fariimihii ay ku lahaayeen degmadaasi.
Sarkaal u hadlay ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin waxba kama jiraan, welina gacanta ku hayaan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
“Magaalada sideeda ayaa loo joogaa wax broblem ah kama jiraan wax ka baxay iyo wax ka tegay midna ma jiro shaqadu sidii ayay u socotaa” ayuu yiri sarkaalka u hadlay milatariga.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dad leh dano gaar ah iyo siyaasiyiin ay faafiyeen wararkaasi, balse aysan jirin dhibaato kale.
Waxaa kale oo uu meesha ka saaray in mushaar la’aan ay hayso ciidamada ku sugan difaaca hore ee degmada Ceeldheer, maadaama howlgallo ka socdaan.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay sii socon doonaan qorshahoodana uu yahay inay gaaraan meelo kale oo kamid ah gobolka.
Ceeldheer ayaa kamid ah magaalooyinkii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay Al-Shabaab, kadib markii ay dagaal ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka