Maxaa ka jira in Ra’iisulwasaare Kheyre tagayo Dalka Imaraadka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa inuu socdaalkiisa u horeeyay ku tago dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kala duwan.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha oo todobaadyadii u dambeeyay la hadal hayay ayaa soo xoogeystay, markii isaga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ay ku kulmeen magaalada Davos ee dalka Switzerland.

Wararka ayaa sheegaya in Imaaraadka Carabta ay horay martiqaad ugu soo dirtay Ra’iisul Wasaaraha, hase ahaatee ay jireen mashquul iyo howlo soo dhex galay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labo goor oo hore u booqday Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu kula soo kulmay Madaxda iyo amiirada dalkaas maamusha

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in dhowaan uu u ambabaxo Imaaraadka, balse waxaa la sheegayaa in safarkiisa ay xasaasiyad ka qabto Madaxtooyada, maadaama uu ku soo aaday xilli xaalado siyaasadeed ay dalka ka taagan yihiin.

Lama oga saameynta uu Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Imaaraadka Carabta ku yeelan doono hadalkii shalay ka soo yeeray Senator Cabdi Qeybdiid oo sheegay in weerarkii lagu soo qaaday gurigiisa 30 bishii December ee sanadkii hore la rabay in lagu khaarijiyo, isla markaana ay ka dambeeyeen Ciidamo laga soo amray Dugsiga Tababarka Jen. Gordon oo ay maamulaan Imaaraadka Carabta iyo Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Xiriirka dowladda Federaalka iyo Imaaraadka Carabta ayaa calaamad su’aal ay dul saarneyd, tan iyo wixii ka dambeeyay markii Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ay xiriirka u jareen Qatar, isla markaana dowladda Soomaaliya ay mowqif dhex dhexaad ka qaadatay, hase ahaatee Imaaraadka iyo Sacuudiga ay culeys ku saareen in xiriirka u jarto Qatar.