Maxaa kala socotaa Dhibaatada ay Dadka Somaliyeed kala kulmaan Garoonka Kenya?

Shalay 12:00 Duhurnimo ayaan Diyaarad kasoo raacnay Garoonka Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho, waxaan aheen 20 ruux oo Somali ah oo isugu jiray Rag iyo Dumar, kuwaa oo danno kala duwan ugu socday Magaalladda Kampala ee Dalka Uganda isla mrarkaana waxaa Hakad aan kusii galaynay Garoonka Jomo Kenyatta si ay uga raacno Diyaaradda labaad ee ugu Safreynay dhanka Uganda.

Saacaddo markii ay aheed 1:30 Daqiiqo xilliga geeska Africa ayay soo caga dhigatay Diyaraddi aan la soconay Garoonka Diyaaraddaha ee Jomo kenyatta International Airport ee Dalka Kenya, durba waxaa naloo keenay Baska na geynayay Hoolka aan ku Sugeyno Diyaaradda labaad ee Duulimaadkeena.

Markii aan goobta nimid waxaan la kulanay kooxda Garoonka ee Hubisa liiska garoonka yaal in ay ku jiraan Dadka Safraya, waxaana Nasiib Wanaag Dadka Magacooda laga wada helay qeybta Hubinta lkn waxaa kadib nala fadhiisiyay Kuraas aan ka fogeyn qeybta xaqiijinta kadib Markii nala siiyay Warqadda Tixraaca Boorsooyinkii aan wadanay iyo wax walba oo kale oo la xiriiray Safarkeena.

Maxaa dhacay kadib?

Waxaa yimid waxyar kadib ilaa 5 Rag ah oo u muuqatay kuwa Amniga Garoonka ka shaqeeya, oo ay la socdeen qaar kamidda kuwii hubiyay Sharciyadda Safarka Dadka Somaliyeed ee Safarayay, waxaa ay dadka ugu yeerayeen mid mid, kadibna waxa ay su’aalayeen waydiimo badan oo ku saabsan socdaalkooda iyo waxyaabo badan oo kale oo shaqsiyadda qofka quseeya oo halkii ag ka yimideen ay kamid tahay, waxayna qof walba ka qaateen Baasaboorka uu watay

Intaas kadib waxa ay Baasabooradda durba u soo celiyeen intii Wareysiga lagu jiray 7 ruux oo aan anigu ku jiray, kuwaa oo kala ahaa qaar Dal ku galka Uganda watay iyo qaar heystay Sharciyadda Deganaanshaha Uganda, waxaana 7 deena ruux loo gudbiyay durba qaybta rasmiga ah ee sugitaanka Diyaaradda Uganda aan u raaceynay.

Sidee loola dhaqmay Dadkii kale ee soo haray?

Dadka soo haray waxa ay aheeyeen 13 ruux, Looma soo celin Baasabooraddii horey looga qaatay, mana loo sheegin waxa lagu heysto madaama dhamaan ay u saxnayeen iyagana Waraaqaha Safarkooda quseeyay, waxa ay isku dayeen in si walba ula hadlaan oo ay qanciyaan Dadka ka heysta Baasabooradda lkn cidna tixgelin masiin

Aniga iyo 2 wiil oo kale ayaa isku daynay inaan Caawinno Dadka, Madaama intooda badan ay luuqadda Englishka ku hadli karin si aan ugu waydiino Ragga ka heystay Baasabooradda waxa ay Dadka ka rabaan.

Waxaan u dhaqaaqnay halka uu taagnaa qof noola ekaa kan hugaaminayay kooxdan arinta ku lugta leh, waxaan waydiinay waxa uu yahay qaladka jira, isaga oo noogu jawaabay waxba kama qaban karno annaga, arintani waa amar ka yimid madaxda naga sareysa, mana jirto cid wax ka badali karta, una sheega Dadkan aad arintooda igala hadleysaan in birrito lagu celinayo meshii ay ka yimadeen ee muqdisho.

Durba waxaa yimid Bus weyn oo u muuqday in mar horaba lasii dalbay, waxaana Ninkii aan la hadleynay u dhaqaaqay dhanka Gaariga, kadibna waxaa uu cod dheer ugu yeeray Dadkii Somaliyeed ee Basabooradda laga heystay kuna yiri soo raaca Baabuurkan, kadibna waxaa loo qaaday Hoolka Sugitaanka Diyaaraddaha Aada Muqdisho, kaas oo ay ku fadhinayaan kuraas bir ah ilaa waagu ka baryo, madaama aysan jirin Diyaarad Habeenkii Aada Muqdisho ayna usii dheertahay Qasaaro lacageed.

7 dii ruux ee kale oo Anigu kamid ahay, waxaa noo yimid Diyaaraddii noo qaadi laheed Uganda, kadibna halkaasi naga soo qaaday Annaga iyo Dad kale oo Wadamo kala duwan ka yimid, waxaana jirtay in kuraasta Dadka Somaliyeed ee la reebay ay ka banaanayeen Diyaaradda taas oo aad uga xumaanay lkn aheed waxaana awood u laheyn inaan xallino madaama nala dhageysan diiday.

Waxaa xusid mudan in Arbacadii lasoo dhaafay inka badan 30 ruux oo Somali ah iyagana isla garoonkan lagu xanibay, laguna celiyay Muqdisho, waana labo maalin oo isku xigta waxa arimahani ay ku dhaceen Dadka Somaliyeed.

Maxay dareemeen Dadka Sonaliyeed ee arintani ku dhacday?

1: In loo bahdilayay sidan Somalida mar walba tan iyo markii ay burburtay Dowladdii dhexe Somaliya.

2: Ineysan muuqan kaalintii ay uga baahnayeen Dowladda Federaalka ee Somaliya marka arimahan oo kale ku dhacaan.

3: In Somalida si gooniya looga sooco Dadka kale marka ay wada safrayaan, meel gooniya laisugu geeyo.

4: In aysan jirin cid xuquuqdooda u dooda si looga difaaco dhibaatooyinka ku dhaca.

5: In la handado Somalida, lagana qaato lacago sharci darro ah oo aan dad kale la waydiin.

6: In uusan muuqan doorka Safaaradda Somaliya ku leedahay Kenya ee ah wax ka qabashadda si dhab ah arimahani.

7: In Dal aysan u socon oo hakad kaliya ku ahaayeen uu ku xad gudbay Safarkooda.

8: In Dadka qaarkood aysan aqoon luuqadda lagula hadlayo taasna ay keento in go’aan qaldan lagu fulliyo marka ay jawaabi wayaan.

Ugu danbeyn, Dadkii Somaliyeed ee dhibkani loo geystay ayaa ugu baaqay Dowladda Somaliya in arimahani sida ay ku dhaceen wax ka waydiiso Dowladda kenya, hadii kale ay dhaceysi in ay sii kordhaan Sharci daradda lagula dhaqmo Dadka Somaliyeed.

Mahadsanidiin.

Waxaa Qoray: Abdifatah Hassan Farah