Maxaa looga hadli doonaa Shirka Muqdisho uga furmaya Dowladda Federaalka & Maamul Goboleedyada Dalka?

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa shir uga furmayaa Magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayo wixii ka fulay heshiisyadii labada dhinac ee shirkii ugu danbeeyay.

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa ku soo wajahan wixii ka danbeeya berri 4-ta Febraayo, iyadoo qodobadda ugu muhiimsan ay yihiin dhaqangelinta ciidamada Qaran iyo isku dhafkooda, wadaagga Kheyraadka dalka, dib u eegista Dastuurka iyo Qaabka doorasho qof iyo cod loogu gudbayo.

Beesha Caalamka ayaa dareensan inay gaabis tahay howsha dastuurka iyo Doorashada 2020-ka, waxaana shirka warbixin la xiriirta hanaanka doorashada qof iyo cod uga dhici karto ka jeedin doona Guddiga doorashooyinka madaxa bannaan.

Qodobadii kasoo baxay shirkii Muqdisho ee Maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka ayaan wax badan ka hirgelin, inkastoo ay degtay xiisadii ka dhex taagneyd maamullada iyo dowladda Federalka.