Maxaabiis Laga Keenay Libya Oo Ka Soo Degay Garoonka Aadan Cadde+Sawirro

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa gordhow kas oo degtay diyaarad Sida Maxaabiis Soomaali ah kuwaas oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka keentay dalka Libya.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Somaliya ayaa Garoonka Aadan Cadde, waxa ay ku soo dhaweeyeen 13 dhalinyaro ah oo laga keenay dalka Libya.

Dhalinyaradan ayaa ku xirnaa xabsi ku yaal dalka Libya, halkaasi oo ay ku tageen tahriib, balse Safiirka Dowladda Somaliya ee Midowga Yurub Amb. Cali Siciid Fiqi oo muddooyinkii dambe ku hawlanaa arrimaha maxaabiistaasi, ayaa dadkaan dib ugu soo celiyay dalkooda.

Dhalinyaradan maanta Garoonka Aadan Cadde lagu soo dhaweeyay ayaa mid ka mid ah waxa ay tahay haweenay, waxaana ay sheegeen inay doorteen dalkooda hooyo inay ku soo laabtaan.

Waxa ay kaga mahadceliyeen dowladda Federalka Somaliya tallaabada dhalinyarada loogu soo celiyay dalkooda hooyo, waxayna sheegeen inay aad ugu mahadcelinayaan dowladda.

Masuuliyiinta dowladda ka tirsan ee Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Maxaabiistaan, ayaa sheegay dowladda Somaliya inay ka go’an tahay dib u soo celinta maxaabiista Somaliyed ee dalka dibadiisa ku xiran.

 Â