Maxaabiis laga soo bixiyay xabsiyada liibiya oo laga soo dejiyay magaalada Muqdisho

Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa goor dhow laga soo dejiyay Maxaabiis Soomaaliyeed oo dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in ay kasoo deyso Xabsiyadda dalka Liibiya.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiiradda dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo ka mid ahaa dadkii Maxabiista kusoo dhaweeyay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonto soo deynta Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalalka Caalamka

Tiradda Maxaabiistaan waxa ay gaareysaa 11 Maxaabiis ah oo gacanta Magafayaasha dalka Libya ay ku jireen muddo laba sanadood ah, kuwaasi oo la kulmay tacadi kala duwan.

Mid ka mid ah Maxaabiista Waxa uu sheegay inuu kaga mahadcelinaayo dowladda Soomaaliya inay ka shaqeyso sidii xabsiyada Libya iyo magafayaasha looga sii dayn lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa balan qaaday in dowladiisa ay dadaal badan ku bixin doonto sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalalka caalamka.