Maxaabiis maanta la keenaayo magaalada Muqdisho

Waxaa maanta  lagu wadaa in Magaalada Muqdisho laga soo dajiyo Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku jiray gacanta magafayaasha dalka Libya, kuwaasi oo ay keenayso Muqdisho dowladda Soomaaliya.

Tiradda Maxaabiistaan waxa ay gaareysaa 11 Maxaabiis ah oo gacanta Magafayaasha dalka Libya ay ku jireen muddo laba sanadood ah, kuwaasi oo la kulmay tacadi kala duwan.

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, Ambassador Ali Siciid Fiqi oo muddooyinkaan dambe ku hawlanaa sidii dhalinyaradaasi loo sii dayn lahaa, maadaama Madaxweyne Farmaajo arintaasi uu u xil saaray, ayaa wuxuu sheegay dadaal dheer inay ku guulaysteen arintaasi.

Mid ka mid ah Maxaabiista oo muuqaal Video ah looga duubay Garoonka Diyaaradaha Caasimada Libya ee Tripoli, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu u duulo Magaalada Muqdisho, kadib laba sano oo uu ku xirnaa dalka Libya.

Waxa uu sheegay inuu kaga mahadcelinaayo dowladda Somaliya inay ka shaqeyso sidii xabsiyada Libya iyo magafayaasha looga sii dayn lahaa dhalinyarada Somaliyed.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa balan qaaday in dowladiisa ay dadaal badan ku bixin doonto sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista Somaliyed ee ku xiran dalalka caalamka.