Maxaad ka taqaana Quraca Wardheer ku yaalley ee maanta jabay, loogana naxay sidii qof caan ah.

Maxaad ka taqaana Quraca Wardheer ku yaalley ee maanta jabay, loogana naxay sidii qof caan ah.

geedkaan sawirkiisu idiin muuqdo waxaa lagu magacaabi jiray Quracle, wuxuu ku yaalla magaalada taariikhda weyn ee Wardheer oo ah xarunta gobalka Doollo ee DDS,

Odayaashii hore waxay sheegaan in geedkaan uu jiro qiyaastii mudo dhan 300-Sano (Sadex boqol oo sano) quracaan waxaa meel u dhow ku yaalla ceel biyood fac-weyn oo gacan ku qod ah kaas oo lagu magacaabo Quracle, Sababta magaca Quracle loogu bixiyayna waa in ceelku ku yaallo meel u dhow Quraca maanta jabay, mudo kadibna isla geedkii ayaa isaguna qaatay magacii dartiis ceelka loogu bixiyay ee (Quracle) wuxuuna kamid yahay ceelasha taariikhiga ah ee magaalada wardheer ku yaalla sida. Jiilaya, Qarandi, Mataan, Camuud, Sonkor, Quracle iyo kuwo kale,

Quraca maanta dhacay wuxuu mar ahaa xaafiis looga taliyo dadka kunool magaalada Wardheer iyo nawaaxigeeda, taariikhda magaalada Wardheer meel wayn ayuu kaga jira balse taariikhdiisa oo dhamaystiran kuma guulaysan in aan idinla wadaago

Magaalada wardheer dhanka Koonfur galbeed ayuu ka jiraa markaad talaalada joogto, waxaa dhiniciisa ku yaalla labo qudhac oo magac leh

Dadka badankooda ayaa ku talinaya in geedkaan aan sidaas lagu ilaawin ee aas qaran loo sameeyo maadaama uu yahay mid kamid ah astaamaha ugu caansan Wardheer oo ah magaalo magac iyo taariikh weyn ku leh gayiga Somalida

Insha Allah waxaan raadinayaa taariikhda geedkaan oo dhamaystiran, waana idinla wadaagayaa markii aan ku guulaysto.