Maxaay ka dhigan tahay Xubinta Soomaaliya ka qabatay Golaha Ammaanka.

Soomaaliya ayaa loo doortay xubin aan joogto ahayn oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddo labo sano ah, kadib codbixin Khamiistii ka dhacday Golaha loo dhan yahay.

Soomaaliya ayaa ku biiri doonta laba dal oo kale oo Afrikaan ah – Algeria iyo Sierra Leone – iyada oo Soomaaliya uu muddo xileedka u billaabanayo Janaayo 2025. Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa qeyb ka ah wafdiga Soomaaliya ee doorashada u aaday Mareykanka.

Codeynta ka dib ayuu la hadlay wariyaha Laanta Afka Soomaaliga ee VOA Haaruun Macruuf.

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay muddo 53 sanadood ah loo doortay inay xubin ka noqoto 15-ka xubnood ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Codeyntii loo qaaday ayey Soomaaliya heshay 179, sidaas ayey uga mid noqonaysaa golaha ammanka laga bilaabo Jannaayo 2025.