Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida oo sii deysay shaqsi loo haystay dil iyo Al-Shabaabnimo

Cabdullaahi Xasan Axmed Maalin (Warranto) ayaa loo soo qabtay in ka tirsanaa Al-shabaab, sidoo kale waxaa loo heystay in uu ka dambeey dilka Marxuum Cabdulla Maalin Maxamed  oo ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Xamar (Minishiibiyo) Taariikhdu markey aheyd 22/02/2018, dilkaasi oo ka dhacay degmada Yaaqshiid.

Cabdullaahi Xasan Axmed Maalin (Warranto) ayaa Ciidamada Amniga soo qabtay 18/04/2018, waxaana Ciidamada amniga u soo gudbiyeen Xafiiska Xeer ilaalinta  21/05 ee isla sanadkan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla maalintaas codsaday  in xabsiga loo gudbiyo si Maxkamadda loo horgeeyo.

Baaritaan dheer kedib ayaa Xafiiska Xeer Ialaalinta Ciidamada Qalabka Sida  04/06/2018 waxa ay sameeyeen eed ka dhan ah Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto), waxa ayna ku aadeeyeen ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab iyo Shir-qoolka dilka Marxuumka kor ku xusan.

Eedda ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa loo cuskaday baarista ay sameeyeen Ciidamada Amniga iyo shaqsi markaati ah, waxa ayna eedooda ku codsadeen in la muddeyo  waqti  aadista Maxkamadda.

12 Bishan aynu ku jirno ayaa loo fariistay markii ugu horreysay eedda ka dhanka ah Cabdullaahi Xasan Axmed Maalin (Warranto), waxaana garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada ay dhageysteen doodda dhinacyada Xeer Ilaalinta iyo Qareenka difaacayay eedeysanaha.

Dood dheer kedib ayaa garsoorayaasha Maxkamadda go’aan ku gaareen in dib la isugu noqdo 19-kii isla Bishan, waxaana markale la sii amba qaaday dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysanaha kor ku xusan.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in uu bari ka yahay dhammaan soo jeedinta xeer ilaalinta, waxa uuna u sheegay garsoorayaasha iyo dhinacyada kale ee ka qeyb galayay doodda in uu yahay Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) Shaqsi laga been abuuranayo.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa go’aan ku gaaray iyagoo eegaya jawaabaha uu Garsoorayaasha ka hor bixiyay eedeysanaha, iyagoo dhuuxaya nuxurka doodda dhinacyada ka dhaxeyso, iyagoo aan ku qancin cadeymaha Maxkamadda la hor keenay oo uu ka mid yahay Markaati ehel la’ ah Marxuumka,  in Cabdullaahi Xasan Axmed Maalin (Warranto) uu yahay xur, maxkamaddana ay fareyso in la sii daayo hadii aysan jirin dambiyo kale oo loo heysto, sida uu u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur (Shuute) Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ah halka kaliye ee caddeyn karta go’aan ka gaarista jiritaanka eedaha ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale, waana Maxkamadda leh awoodda aan ka gambashada laheyn ee fulineyd hadii ay u cadaato eedaha ka dhanka ah Ciidamada iyo Maleeshiyaadka u abaabulan sidii qaab Ciidan oo kale sida Al-shabaab.