Maxamed Cabdi Xasan Afweyne oo loo dhaariyay Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka.

Maxamed Cabdi Xasan, oo loo yaqaano Afweyne, ayaa dhawaan loo doortay xubin ka tirsan Golaha Shacabka ee Soomaaliya, isagoo ku guuleystay kursiga HOP248. Doorashadan ayaa ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu Afweyne helay 80 cod, halka musharaxii la tartamayay, Sahro Xasan Cabduule, ay heshay 10 cod.

Kursigan HOP248 waxaa horay ugu fadhiyay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon), kaas oo waayay xubinnimadii Golaha Shacabka kadib markii loo magacaabay Agaasime ku xigeenka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed (NISA).

Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa horey u xirnaa muddo 12 sano ah dalka Biljamka, isagoo loo haystay inuu ka mid ahaa hoggaamiyaasha kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Doorashadan ayaa muujineysa isbeddelada ka socda siyaasadda Soomaaliya iyo soo laabashada shaqsiyaad horey ugu lug lahaa falal dambiyeedyo caalami ah, taas oo laga yaabo inay saameyn ku yeelato aragtida caalamka ee ku aaddan hannaanka siyaasadeed ee dalka.