Golaha Dastuuriga ah ee dalka Jaad ayaa ayiday natiijada doorashadii madaxtinimo ee lagu dhawaaqay in hoggaamiyiha miltariga Maxamed Deby uu ku guuleystay doorashada.
Golaha ayaa sidoo kale ka hor yimid doodda ay natiijada ka keeneen labo murashax doorashadii dhacday 6 May.
Mr Masra ayaa muran ka keenay natiijada, isagoo sheegay in guushiisa ‘’laga xaday dadweynaha’’.
Sidoo kale qaar kamid ah murashaxiinta mucaaradka ayaa sheegay in wax is dabo marin ay jirtay maalintii cod bixinta.
Jaad ayaa noqonaysa dalkii ugu horreeyay ee wadamadii dhawaan afgambiyadu ka dhaceen ee Galbeedka iyo Bartamaha Afrika ee qabta doorashooyin, xukunkana ku soo celiyo nidaamka rayidka.
Janaraal Deby waa 40 jir, ay hoggaamiye kumeel gaar ah u magacaabeen miltariga Jaad kaddib markii aabihii Idris Deby lagu dilay jiida hore ee dagaalka lagula jiro jabahadaha mucaaradka ah bishii April 2021, isagoo 68 jir ah.
Guusha Maxamed Deby ayaa ka dhigan in xukunka reer Deby ee 34 sano jirsaday uu sii socon doono.